Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bangiga JP Morgan oo xayiray deeqdii uu siin jiray siyaasiyiinta Xisbiga Jamhuuriga


Bangiga JPMorgan ee Mareykanka ayaa sheegay in uu hakiyay lacagihii deeqda ahaa ee uu siin jiray siyaasiyiintii Xisbiga Jamhuuriga ee u codeeyay in la baabi'iyo doorashadii uu ku guuleystay madaxweyne Joe Biden sanadkii 2020.

JPMorgan Chase & Co (JPM.N) wuxuu dib u bilaabi doonaa bixinta deeqaha siyaasadeed ee sharci dejiyayaasha Mareykanka, laakiin ma siin doono xubnaha Jamhuuriga ee Koongaraska ee u codeeyay in la laalo guushii doorashada madaxweyne Joe Biden, sida ku xusan qoraal hoose oo ay ku wada xiriireen xubnaha Xisbiga iyo Bangigan, kaas oo Jimcihii ay aragtay wakaalada wararka ee Reuters.

Bangigan oo ah amaahiyaha ugu weyn ee waddanka wuxuu ka mid ahaa shirkado badan oo joojiyay bixinta deeqaha siyaasadeed, kaddib rabshadihii dhimashada ee January 6, 2021 ka dhacay xarunta Koongres-ka ee Capitol, markii taageerayaasha madaxweynihii hore Donald Trump ay isku dayeen inay kahor istaagaan Koongarska ansixinta guusha Biden.

Saacado yar kaddib ayaa 147 Jamhuuriyiin ah, oo intooda ugu badan ay ka socdaan Aqalka Wakiilada ayaa u codeeyay in la laalo natiijooyinka Electral College-ka oo Trump uu si been abuur ah u sheegay in lagu musuqmaasuqay.

Dhinaca kale, Shirkadda Facebook ayaa Jimcihii sheegtay in ay ka joojiyeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump isticmaalka Facebook illaa iyo Janaayo 2023, waxayna ku dhawaaqday isbeddelo ku saabsan sida ay ula dhaqmi doonto hoggaamiyeyaasha adduunka ee jabiya shuruucda shirkadda ee ku saabsan qoraallada lagu soo daabaco bartooda.


Facebook ayaa hakiyay bartii Trump uu kulaha Facebook maalin kaddib rabshadihii ka dhacay Capitol Hill 6-dii Janaayo, iyagoo ku eedeeyay inuu huriyay rabshado.

XS
SM
MD
LG