Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka HirShabelle, waxaana safarkiisu ku saabsanaa qiimeyn uu ku sameynayey khasaarihii ka dhashay fatahaadihii webiga Shabelle.
Ra'isul Wasaare Rooble ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee Baarlamanka ee laga soo doorto HirShabelle iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa.
Waxaa sidoo kale safarka Rooble qeyb ka ahaa xubno ka socoda beesha caalamka, gaar ahaan hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.
Magaalada Jowhar ayaa gashay go’doon, kaddib markii toolooyin dhowr ah oo hoos yimaada ay harqiyeen daadadkii ka dhashay fatahaaddii wabiga Shabelle, waxaana fatahaadan ay barakiciyeen kumanaan qoys.
Warbixintan waxaa soo diray weriyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane.