Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kolonyo uu la socday Xasan Sheekh oo la rasaaseeyey


Xasan Sheekh
Xasan Sheekh

Saraakiisha mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ciidamo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya ay rasaaseeyeen kolonyo baabuur ah oo galbinaysay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow Maxkamadda Gobolka Banaadir. Rasaastaas ayaa la sheegay inaysan sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Dhinaca kalena, mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inay dhacday dhacdadaasi, waxayna sheegeen inay ahayd arrin u dhacday si shil ah oo aysan ahayn ula kac.

Wasiirka Caddaalladda ee dawladda federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay inay arrintaas ka raali-gelinayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiika oo la hadlayey warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu ahaa shilkaasi mid aan lagu talogelin.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dhacdadan ay ku lug lahaayeen ciidamada asluubta. Wasiirka ayaa intaaas ku daray in dhacdadaas baaritaan lagu samaynayo.

Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo sheegay inuu la socday Madaxweynihii hore xilligii la rasaaseeyey ayaa ku sheegay bartiisa twitter-ka in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu baaritaan ku sameeyo, sida uu hadalka u dhigay, “isku dayga dil” ee ka dhanka ahaa Madaxweynihii hore. Waxa uu sheegay inay arrintaasi tahay “daandaasi aan la aqbali karin”.

XS
SM
MD
LG