HARGEYSA —
Codbixin ayaa ka dhacday Somaliland shalay oo aheyd Isniin 31-ka May 2021, yadoo dadku ay soo dooranayeen xildhibaannada baarlamaanka iyo kuwa golayaasha degaanka.
In ka badan 1 milyan oo qof ayaa is diiwanageliyey si ay uga qaybqaataan codbixintan. Guddiga doorashaduna waxay sheegeen inay jiraan in ka badan 2,700 goobood oo laga codaynayey.
Haddaba doorashadan maxay uga dhigan tahay Somaliland? Maxaase fursado ah ee ay u abuuraysaa Somaliland?
Su’aalahaa siyo kuwo kale ayaa Cabdulqaadir Maxamed Mursal uu weydiiyey Dr. Maxamed Faarax oo ah Madaxa Akademiyada Nabadda iyo Horumarka ee xarunteedu tahay magaalada Hargeysa.