Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa sababay shaqo la'aanta dhallinyarada aqoonyahannada ah ee Soomaaliyeed?


Dalka Soomaaliya waxaa sanad kasta kasoo baxa Jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda da'yar badan oo aqoonyahan ah, kuwaas oo markii ay kasoo baxaan waxbarashada ay soo waajahdo shaqo la'aan daran.

Dadka ka faallooda arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya waxay u arkaan in arrintaan ay sabab u tahay shaqo la'aanta waddanka oo kasoo kabanaya colaado iyo dowladda oo aan haysan dhaqaale shaqooyin badan lagu abuuro.

Laakiin dhalinyarada kasoo baxay jaamacadaha ee aan haysan shaqada waxay niyada kasii xumeyneysa kuwa hadda ku jira waxbarashada sare.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa waxa uu la kulmay Faarax Maxamuud Cawaale oo kasoo baxay dhowr sano kahor Jaamacad ku taall dalka Pakistan waxa uuna weydiiyay dhibaatooyinka shaqo la'aanta ee aqoonyahanka dhalinyarada ah ee Soomaaliya ay wajahayaan.

Maxaa sababay shaqo la'aanta dhallinyarada aqoonyahannada Soomaaliyeed?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:00 0:00


XS
SM
MD
LG