Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee ayaa looga codeeyey Hargeysa, Boorama iyo Laascaanood?


Doorashada Somaliland
Doorashada Somaliland

Codbixin ayaa ka dhacday Somaliland maanta oo Isniin ah yadoo dadku ay soo dooranayaan xildhibaannada baarlamaanka iyo kuwa golayaasha degaanka.

Mas’uuliyiinta xisbiyada iyo madaxweynaha Somaliland ayaa saaka codeeyey, sidoo kale waxaa la arkayey safaf dhaadheer oo ay dadku ugu jiraan goobaha cod-bixinta si ay codkooda u dhiibtaan.

In ka badan 1 milyan oo qof ayaa is diiwanageliyey si ay uga qaybqaataan codbixintan. Guddiga doorashaduna waxay sheegeen inay jiraan in ka badan 2,700 goobood oo laga codaynayey.

Haddaba sida looga codeeyey magaalooyinka Hargeysa, Booraama iyo Laascaanood waxaa warbixinadan kasoo diray weriyayaasha VOA, Khadar Maxamed Cakule, Haashim Sheekh Cumar Good iyo Cabdikariim Olol.

Sidee ayaa looga codeeyey Hargeysa, Boorama iyo Laascaanood?
please wait

No media source currently available

0:00 0:14:42 0:00


XS
SM
MD
LG