Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Codbixinta Somaliland oo si habsami ah u socota


Madaxweyne Muuse Biixi oo codeynaya
Madaxweyne Muuse Biixi oo codeynaya

Codbixin ayaa ka dhacaysa Somaliland maanta oo Isniin ah iyadoo dadku ay soo dooranayaan xildhibaannada baarlamaanka iyo kuwa golayaasha degaanka.

Mas’uuliyiinta xisbiyada iyo madaxweynaha Somaliland ayaa saaka codeeyey, sidoo kale waxaa la arkayey safaf dhaadheer oo ay dadku ugu jraan goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan.

Weriyayaashayada magaalooyinka Hargaysa, Boorama iyo Laas Caanood ayaa soo sheegaya inay codbixntu si habsami ah u socoto.

In ka badan 1 milyan oo qof ayaa is diiwanageliyey si ay uga qaybqaataan codbixintan. Guddiga doorashaduna waxay sheegeen inay jiraan in ka badan 2,700 goobood oo laga codayn doono.

Aqalka Baarlamaanka ayaa ka kooban 82 xubnood, hase yeeshee waxaa u tartamaya 246 musharrax. Doorashada baarlamaanka ayaa ah tii labaad tan iyo sannadkii 2005-ta.

Sidoo kale Aqalka baarlamaanka oo ay ku jirto qof haween ah oo keliya ayaa dadka xuquuuqda u dooda ay doonayaan inay soo galeen haween intaas ka badan. Ilaa 13 musharrax oo dumar ah ayaa u tartamaya baarlamaanka.

Sidoo kale dadka xuquuqda u dooda ayaa u ololaynaya inay soo galaan wakiillo matala beelaha laga tirada badan yahay.

Goobjoogayaal caalami ah ayaa ku sugan Somaliland kuwaasi oo tiradoodu tahay 103 xubnood oo ka kala socda Yurub iyo Afrika.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-dii ku dhowaaqday inay ka go'day Soomaaliya inkastoo aysan weli helin ictiraaf caalami ah. Doorashadan ayaa kusoo beegmaysa 20 sano kadib markii Somaliland ay hirgalaysay nidaamka xisbiyada badan.

XS
SM
MD
LG