Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada oo saxiixay heshiiskii ay gaareen


Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada
Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa maanta saxiixay heshiiska laga gaaray murankii ka taagnaa qabashada doorashooyinka dalka.

Qoraal goor dhow uu baahiyey xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada dalka & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis ku aaddan doorashooyinka dalka, iyadoo maanta la soo xirayo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho.”

Ra'iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wadatashiga qaranayaa sheegay in laga heshiiyey dhammaan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, sida arrinta Gobolka Gedo, Hannaanka doorashada gobollada Waqooyi, turxaan bixinta qaab-dhismeedka guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-gobleed iyo sidoo kale amniga doorashooyinka dalka.

Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal walba ku bixinayso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyada daneeyayaasha doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan sidii ay loo hirgelin lahaa doorashada, isla markaana uu dalku uga baxi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ku geedaaman.

Saxiixay heshiiska ayaa saacado badan dib u dhacay sababo la xiriira cabasho ka timid guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ku aadaneyd habka loo qeybiyey magacaabista xubnaha guddiga doorashada ee xildhibaanada gobollada waqooyi.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Cabdi Xaashi lagu qanciyey laba xubnood oo dheeri ah, isaga oo soo magacaabi doona 6 ka mid ah guddiyada, halka lixda kale ay ka iman doonaan dhanka Mahdi Guuleed, ayada oo saddexna uu soo magacaabayo ra'iisul wasaare Rooble.

XS
SM
MD
LG