Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukuumadda oo ka warbixisay kulankii maanta ee shirka doorashada


Shirka doorashada
Shirka doorashada

Waxaa maalintii afaraad ku kulansan magaalada Muqdisho madaxda shantta maamul goboleed ee Soomaaliya, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo ra'isul wasaaraha dowlafda federaalka Maxamed Xuseen Rooble oo shirkan gudoominaya.

Kulankan ayaa lagu xallinayaa muranka hananaanka doorashada Soomaaliya oo in mudo ah la isku mari la'aa. Inkastoo shaley la soo wariyey in kulanka caqabado ay kasoo food saartey xal u helida sida loo qeybsanayo ama loo maamulayo xubnaha gobolada waqooyi u matalaya gudiyada doorashada, hadana maanta waxaa soo baxaya rajo muujineysa in madaxdu isku afgarteen inta badan arrimihii lagu muransanaa.

Falastiin Axmed Iiman ayaa haddaba arrimaha shirkan ka wareysatey afhayeenka xukuumadda federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu, waxayna ugu horeyn weydiisey kulankii maanta iyo bal haddii xal laga gaarey waxyaabihii la isku heystey?

Xukuumadda oo ka warbixisay kulankii maanta ee shirka doorashada
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:39 0:00


XS
SM
MD
LG