MUQDISHO —
Waxaa maalintii afaraad maanta oo talaado ah galay shirka wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo Sabtidii uga furmay magaalada Muqdisho.
Weli ma jiraan qodobo rasmi ah oo ka soo baxay shirka, inkastoo madaxda ka qeyb galeysaa ay rajo ka muujiyeen inuu mira dhal noqon karo, oo ugu dambeyn heshiis lagu gaari doono.
Qodobada ugu adag ee shirka la isku hayo ayaa waxaa ka mid ah habka loo qeybinayo xubnaha guddiga doorashada ee xildhibaanada gobollada waqooyi.
Maxamed Colaad Xassan ayaa weydiiyay wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle oo ku suggan airporka Muqdisho halka uu shirku marayo.