Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee ayuu ku socdaa shirka doorashada ee Muqdisho?


Shirka doorashada
Shirka doorashada

Waxaa soo dhammaaday maalintii labaad ee shirka wada-tashiga qaran ee arrimaha doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in xubnaha ka qeyb-galaya shirka ay maanta billaabeen ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, islamarkaana laga sameeyay horumar wanaagsan.

Macallimuu ayaa sheegay inay jirto rajo wanaagsan oo ah in la isku raaci doono qodobada laga hadlay, si ugu dambeyn heshiis loo gaaro, kaasi oo hoggaamin doona in dalka uu doorasho aado.

Shirka ayaa sii socon doona maalinta berri ah, si loo sii falanqeeyo ajandayaasha horyaalla shirka, sida uu sheegay afhayeenka.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, HirShabeelle Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

XS
SM
MD
LG