MUQDISHO —
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta, ururada bulshada rayidka iyo haweenka magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay kulamo gaar gaar ah oo ay saacidihii ugu dambeeyay yeesheen madaxda maamul goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta.
Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa Muqdisho u jooga ka qeyb-galka shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka, hase yeeshee waxay sidoo kale la kulmeen xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.
Kulamadan ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee arimaha doorashooyinka ee la isku hayo.
Warbixintaan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.
Facebook Forum