Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka wadatashiga qaran


Maalintii koowaad ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la soo gaba-gabeeyay, waxaana Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu rajo ka muujiyay in is-afgarad laga gaari doono arrimaha la isku hayo oo ay ugu weyntahay hannaanka doorashada.

"Waxaan rajeynayaa in uu guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka" ayuu Ra'isul Wasaare Rooble ku yiri bayaan kooban oo uu saaray.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa beeniyay warar sheegayay inay jiraan qodobo maanta la isku raacay.

"Wararka qaar ee la isla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu heshiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn. Shirku jawi wanaagsan ayuu ku bilowday, wuuna sii socon doonaa inshallah" ayuu Macallimu ku soo qoray bartiisa Facebook.

Xisbiyada mucaaradka iyo musharraxiinta qaar ayaa soo dhaweeyay billowga shirkan horudhaca ah.

"Waxaan boogaadinayaa shirka Wadatashiga Qaran ee maanta horudhiciisu furmay. Waxaan rajeynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xiriira fulinta heshiiskii doorasho ee 17-kii September" ayuu yiri hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed iyo Jibriil Cabdulle oo iyaguna ka mid ah musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkan.

Wixii warar ah oo shirkan ku soo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG