Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey shirka doorashada ee Muqdisho


Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan inta badan madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo halkaasi u tagay ka qeyb galka shir uu ugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku aadan xal u helista qabsoomidda doorasho wadar ogol ah.

Shirar hore oo ay madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federalka ay yeesheen ayaa guul dareystay, laakiin midkan waxa uu kaga duwanyahay iyadoo hoggaanka uu hayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shirka oo lagu wado inuu maanta furmo ayaa u muuqda inuu dib u dhacay, ayada oo weli ay jiraan madaxweyne goboleedyo aan magaalada soo gaarin.

Warbixin ku saabsan shirka oo uu soo diray weriye Cabdicasiis Barrow iyo wareysi uu Maxamed Colaad la yeeshay afhayeenka Xukumadda Soomaaliya Maxamed Ibrahim Macalimuu oo shirka ku saabsan, qeybta hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:48 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG