Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland oo geeriyooday


General Abdisamad

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland General Cabdisamad Cali Shire ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku xanuunsanaa maalmihii la soo dhaafay.

Alle ha u naxariistee General Cabdisamad ayaa ka mid ahaa ciidamada xoogga dalka, isagoo xilal dhowr ahna ka soo qabtay dowladdii Kacaanka. Wuxuu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland intii u dhexeysay 2009-2014, isagoo ka mid ahaa aas-aaseyaasheedii.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'isul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka mid ahaa madaxdii ka tacsiyeeysay geeridiisa.

Farmaajo ayaa in Marxuum Cabdisamed Cali Shire uu kaalin mug leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo kan dhismaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Cabdisamad Cali Shire ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Xilligii Dowladdii dhexe, isaga oo noqday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii saddexaad ee soo mara Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG