Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Qoor-qoor oo magaalada Muqdisho soo gaaray


Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa xalay soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo la filayo in maanta uu ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha dooroshooyinka Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa ah madaxweynihii ugu horreeyay ee soo gaaara Muqdisho, iyadoo maantana la filayo in madaxweyneyaasha kale ee maamul goboleedyadu ay yimaadaan madasha shirka.

Shirkan waxaa ku baaqay Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu kowdii bishan May ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG