Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey shirka la filayo inuu berri ka furmo Muqdisho


Madaxda maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, halkaas oo malinta berri ah lagu wado inuu ka furmo shirka u dhexeeya dowladda iyo maamul goboleeyada ee xal u helista is-mariwaaga doorashada, iyadoo qabanqabadii ugu dambeysay ee qabsoomidda shirkan ay socoto.

Shirkan ayaa waxaa ku baaqay Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu kowdii bishan May ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka.

Go'aanka madaxweynuha ayaa yimid kaddib markii Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya uu ka noqday qaraarkii uu mudada ugu kordhiyay hay'adaha dowladda 12-kii April, taas oo ay ka soo horjeesteen maamul goboleeyada Puntland, Jubaland, Midowga Musharraxiinta, Xisbiyada Mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo beesha Caalamka.

Waxaa bishii April horraanteedii natiijo la'aan ku dhammaaday shirkii Afisyooni ee wadahadallada doorashooyinka, waxaana fashilka shirkan ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay madaxda Jubaland iyo Puntland, iyadoo sheegtay 'inaysan rabin' in dalka doorasho ka dhacdo, hase yeeshee madaxda dowlad goboleeyada ayaa dhinacooda beeniyay eedeynta dowladda.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa sheegay in Ra'isul Wasaaruhu uu mudnaan siinayo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii September.

Ilo-wareedyo ayaa VOA u sheegay in Ra'isul Wasaare Rooble uu kahor furitaanka shirka abuurayo kalsooni u dhexeysa dhinacyada dowladda iyo maamul goboleeyada, si loo helo is aaminaad iyo wadashaqeyn horseedda xal laga gaaro is-mariwaaga doorashada.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta, ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay dadaallada xal u helista doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra'isul Wasaare Rooble,

Wixii warar ah ee ku soo kordha shirkan halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG