Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad go'aan ka gaartay kiiska dilkii Dhegajuun


Cabdixakiin Dhagajuun
Cabdixakiin Dhagajuun

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta go’aamisay in dilkii bishii Janaayo Muqdisho loogu gaystay guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun uu ahaa mid aan ku talo-gal aheyn.

Kiiskan ayey maxkamadda ku qaadeysay lix aadeysane oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyed oo uu ku jiro Taliyihii Ciidanka Booliska degmada Howlwadaag Gaashaanle Shuceyb Cabdi Maxamed.

Dhagajuun ayaa ku geeriyooday is-rasaasey 2-adii aroornimo ee 21-kii Janaayo 2021 ka dhacday meel u dhow Isgoyska Howlwadaag oo dhex-martay ciidankiisa iyo kuwa saldhigga degmada Howlwadaag. Laba askari oo kale ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaadka.

Go’aanka Maxkamadda ayaa diiday go’aan ay soo saareen guddi ay arirntan u saartay dowladda federaalka Soomaaliya oo soo sheegay in dilka uu u dhacay si ku talo-gal ah.

Si kastaba, Maxkamadda ayaa Taliyihii hore ee Booliska degmada Howlwadaag Gaashaanle Boolis Shuceyb Cabdi Maxamed ku riday xukun ah 5 sano oo xabsi Ciidan, halka dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi oo baxsad ah isna lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah.

Shuceyb ayaa xukunka loogu riday inuu ka gaabiyey hogaaminta howlihiisa iyo inuu fududeeyey baxsadka Bishaar, halka Bishaar loo xukumay taxadar la’aan iyo inuu baxsaday.

Maxkamadda ayaa sidoo kale min laba sano oo xabsi ciidan ah ku riday eedeysanayaasha kala ah; Jamaal Isaaq Cali, Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmi Kaariye Cali, kuwaasi oo dhammaantood ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyed.

Dadka xukunka lagu riday ayey sidoo kale maxkamaddu amarta bixinta diyada dilka Dhegajuun iyo magdhow siinta laba askari oo kale oo shilkaas ku dhaawacmay.

XS
SM
MD
LG