Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo sheegtay inay berri tahay Soon iyo Al-shabaab oo Ciid iclaamisay


Dawladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay maalinta Ciid Al-Fitri ay ku aaddan tahay, iyadoo warbaahinta dawladda Soomaaliya oo soo xiganaysa mas’uuliyiinta Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegtay inay maalinta Arbacada ay ugu dambeyso bisha Ramadan.

Ku dhawaaqista wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Ciidda ka dhigaysa maalinta Khamiista ee 13-ka May.

Dhinaca kalena ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in maalinta berrito ee 12-ka May ay tahay Ciid Al-Fitri. Al-Shabaab waxay sheegtay in siddeed qof oo kala jooga gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay arkeen bisha.

Dalka Sucuudiga oo inta badan ay ka tix raacaan waddamada Islaamka ayaa sheegay in maalinta Ciidda ay tahay Khamiista 13-ka May.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG