Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo hakisay dhammaan duulimaadyada Soomaaliya


Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo maanta oo Talaado ah.

Xayiraadda duulimaadyadan waxa keliya ka reeban diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

Hakinta duulimaadyada waxa VOA u xaqiijiyey sarkaal Soomaali ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, maadaama aan loo oggoleyn la hadalka saxaafadda.

Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey dhammaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya in keenista qaadka Miraa ay mamnuuc ka tahay dalka, islamarkaana aysan waxba iska beddelin delin siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan in Miraa la keeno garoomada diyaaradah Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in Miraa la keeno Soomaaliya ayada oo aan ogolaansho laga haysan loo arki dooni ficil sharci darro ah iyo xadgudub ka dhan ah hawada Soomaaliya, inta ay dowladda ogeysiin dambe kasoo saari doono.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa imanaya ayada oo Khamiistii 6-dii May ay dowladda federaalka sheegtay inay dib usoo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka Kenya.

XS
SM
MD
LG