Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo u safray dalka Uganda


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uga qeybgali doono xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyda Soomaaliya ayaa lagu sheega in Farmaajo uu kulamo duceedyo la yeelan doono madaxweynaha Uganda iyo madaxda kale ee ka soo qeybgalaya munaasabadda caleemo-saarka Museveni, isla markaana uu kala hali doono danaha Soomaaliya kala dhexeeya dalalkaas.

Museveni ayaa markii lixaad bishii January ee la soo dhaafay ku guuleysay doorashadii madaxweynaha, kaddib markii uu helay 58% tirada codadkii la dhiibtay, hase yeeshee Bobi Wine oo ahaa musharraxii la tartamay Museveni oo helay 34% ayaa ku eedeeyay in uu doorashadan ku shubtay.

Museveni oo ah 76 jir ayaa Uganda soo xukumayay tan iyo sanadkii 1986.

XS
SM
MD
LG