Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda federaalka oo soo saartay go'aan ku aadan qaadka Kenya


 khat,
khat,

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weli uu dalka uu mamnuuc ka yahay in la keeno qaadka ka imanaya dalka Kenya, oo dhowr bil kahor dalka laga joojiyey.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey dhammaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya in keenista qaadka Miraa ay mamnuuc ka tahay dalka, islamarkaana aysan waxba iska beddelin delin siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan in Miraa la keeno garoomada diyaaradah Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in Miraa la keeno Soomaaliya ayada oo aan ogolaansho laga haysan loo arki dooni ficil sharci darro ah iyo xadgudub ka dhan ah hawada Soomaaliya, inta ay dowladda ogeysiin dambe kasoo saari doono.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa imanaya ayada oo Khamiistii 6-dii May ay dowladda federaalka sheegtay inay dib usoo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka Kenya.

Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa maanta sheegtay in soo celinta xiriirkaas uusan saameyn ku yeelan doonin kiiska dacwadda badda ee horyaalla maxkamadda ICJ, kaasi oo ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto, sida uu qoraal ku sheegay agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

XS
SM
MD
LG