Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FAO oo ka digtay daadad maasheeya Beledweyne iyo Jowhar


Fatahaadda Beledweyne
Fatahaadda Beledweyne

Hay'adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay halista daadad xoog leh oo Soomaliya ku soo wajahan, kaddib roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay buux-dhaafiyay wabiyada Soomaaliya.

FAO ayaa sheegtay in Wabiga Shabeelle uu buux-dhaafay kaddib roobabkii mahiigaanka ahaa ee da'ay todobaadkii la soo dhaafay.

Waxay sidoo kale sheegtay in roobabkii ka da'ay dhulka buuraaleyda ah ee Ethiopia ay daadadkoodu ku soo qul-qulayaan Soomaaliya, kuwaas oo saameyn doona magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

"Waxaa ugu daran biyo-xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah, kuwaas oo durba fatahaad ku billaabay Jowhar. Bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga Shabeelle waa inay taxadaraan, maadaama qul-qulka webiga la fiłayo in biyahu soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan" ayaa lagu yiri qeyla-dhaan ka soo baxday FAO.

Inkasta oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay kordheen biyaha wabiga Jubba, hadana FAO waxay ay sheegtay in khatarta fatahaadda ay ka jirto degmooyin ay ka midtahay Dooloow.

XS
SM
MD
LG