HARGEISA —
Magaalada Hargeisa waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay tartan ku aadanaa sidii Somaliland ay uga faa’ideysan laheyd farsamada casriga ah.
Tartanka oo soo socday muddo laba bilood ah ayay ka qeybgaleen 47 kooxood, waxaana abaal marinno lacageed lagu siiyay saddex dhalinyaro ah oo guulo ka soo hooyay.
Wariyaha VOA Khadar Maxamed Cakulle ayaa warbixintan ka soo diray Hargeisa.