Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cumar Cabdirashiid oo soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya


Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Ra'isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa soo dhaweeyay dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ku baaqay inay tahay lagama maarmaan wanaajinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.

"Waa war faxad leh dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya. Waxaan sidoo kale jeclahay inaan soo dhaweeyo dadaallada dhex-dhexaadinta ee Qadar" ayuu Ra'isul Wasaarihii hore ku soo qoray bartiisa Twitterka, wuxuuna sii raaciyay "Si loo xoojiyo ganacsigeenna, una gudagalno geeddi-socodka horumarka waxaa lagama maarmaan ah in dib loo soo nooleeyo xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee aan la leenahay adduunka"

Soomaaliya iyo Kenya ayaa safaaradaha kala qaatay dabayaaqada sanadkii hore, kaddib markii Muqdisho ay Nairobi ku eedeysay inay soo faragalisay arrimaheeda gudaha.

Dhinaca kale Soomaalida ku nool waddanka Kenya ayaa iyaguna soo dhaweeyay soo celinta xiriirka labada dal, waxaana aragtidooda weydiisay wariyaha VOA ee magaalada Nairobi Intisaar Saalax Xuseen.

Dhageyso aragtida dadka Nairobi
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:01 0:00


XS
SM
MD
LG