Dowladda Ethiopia iyo Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis ay ku baxayso lacag hal bilyan oo dollar ah, kaas oo lagu maalgalinayo jid isku xira Dekedda Berbera iyo Ethiopia.
Heshiiskan waxaa sidoo kale qeyb ka ah in dhinaca Ethiopia laga sameeyo bakhaarro casri ah oo wax lagu keydiyo.
Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa inoo haya Xuseen Barre.