Saaka ayaa la filayaa in ciidamada isku hor fadhiyey magaalada Muqdisho ay dib ugu noqdaan xeryahoodii, kaddib markii shaley Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu booqday goobihii fariisinka u ahaa ciidamadan.
Waddooyinkii magaalada ayaa laga qaaday dhufeysyadii carada ahaa, waxaana saaka la dhameystirayaa howshaas sida uu VOAda u sheegey Gaashaanle, Diini Rooble Ahmed oo ah afhayeenka ciidamada dowladda ee la baxay Badbaado Qaran.
Falastin Ahmed Iman ayaa ugu horeyn weydiisay sida uu ku yimid go'aankan ay dib ugu laabanayaan xeryahoodi iyo cidda ku qancisay?
Facebook Forum