Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo dib usoo celisay xiriirka diblomaasi ee Kenya


Uhuru iyo Farmaajo
Uhuru iyo Farmaajo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u soo celisay xiriirkii Diplomaasi ee ay la leheyd dowladda Kenya kadib wada hadal ay yeesheen madaxda labada dal.

Dowladda federaalka ayaa jartay xiriirka Kenya 15-kii December 2020 kadib markii ay Kenya ku eedeysay inay farogelin ku hayso arirmaha gudaha ee Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al cadaala oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in iyada oo la ilaalinayo daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal la gaaray go'aankan."

Soo celinta xiriirka ayaa waxaa dhex-dhexaadiyey amriika dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, sida ay sheegtay warbahainta dowladda Soomaaliya.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya oo la sheegay inay si wadajir ah usoo saareen labada dal ayaa lagu yiri “Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la'aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha. Madaxweynayaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan.”

Ergey ka socday Qatar oo lagu magacaabo Mutlaq Al-Qahtani ayaa maanta Nairobi kula kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta, kadib dhowr maalmood oo uu ku sugnaa Muqdisho, oo uu kula kulmay madaxda dowladda.

XS
SM
MD
LG