Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble: Ciidamo dhexdhexaad ah ayaa amniga doorashada loo xil saarayaa


Maxamed Xuseen Rooble
Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay soo dhisto ciidamo khaas ah oo fuliya amniga dooarshada, kuwaasi oo loo wada dhan yahay dhexdhexaadna ah.

Hadalkan ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay xilli uu kulan la lahaa xubnaha beesha caalamka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay ciidankaasi ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci kadib marka wadatashi lala sameeyo dhammaan saamilayda siyaasadda.

Waxa uu sheegay in kadib markii uu wadatashi la sameeyey maamul gobleedyaada uu diyaar u yahay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho aasaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September.

Rooble ayaa sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan doorashada ay tahay dhammeystirka heshiiskii 17-ka September, iyadoo loo sii marayo taloyinkii shirkii Baydhaba.

Waxa uu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha caalamka inay billaabaan qorshayaasha ku saabsan taageerada dhinaca tasiilaadka, farsamada iyo dhaqaale ee loo fidinayo hannanaka hirgelinta doorashada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowaan u sheegay baarlamaanka inuu qabanqaabada iyo amniga doorashada uu u xil saaray Ra’iisul Wasaaraha.

XS
SM
MD
LG