Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saddex qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho


Qarax
Qarax

Wararka ka imaanaya magaalada Mquqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku geeriyoodeen, qof kalena uu ku dhaawacmay qarax miino oo lala eegtay gaari nuuca loo yaqaan Land Cruiser oo marayay degmada Kaxda.

Wariyaha VOA ee magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa soo sheegaya in qaraxan uu ahaa mid lagu aasay jidka dhiniciisa, islamarkaana dadka geeriyooday iyo haweeneyda dhaawaca ahba ay dhammaantood saarnaayeen gaariga.

Hay'adaha ammaanka iyo dambi-baarista ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, kuwaas oo baaritaan ku sameynaya dhacdadan, mana jirto faah-faahin dheeri ah oo ilaa hadda laga bixiyay.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Seynab Abuukar

Saddex qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:47 0:00


XS
SM
MD
LG