Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada


Cabdiwahaab
Cabdiwahaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xilka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa banaanaa tan iyo 11-kii April, markaasi oo laga qaaday Duraan Faarax, oo loo wareejiyey wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Waxaa isla maalinkaas xilka loo magacaabay Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar, oo laga soo wareejiyey wasaaradda gaadiidka, hase yeeshee maalin kadib ayuu ka cudur daartay inuu xilkaas qabto.

Oomaar ayaa qoraal uu ku daabacay facebook 12-kii April ku yiri “Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah.”

XS
SM
MD
LG