Kaddib qalelaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ka dhashay muddo kordhinta uu Golaha Shacabku u sameeyay dowladda, ayaa inkastoo ay xiisaddu hadda qabowday waxaa haddana wali Muqdisho aan laga saarin ciidamadii difaacyada ka sameystay xaafadaha qaarkood.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in ay doonayaan in madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka guuro Villa Soomaaliya.
Haddaba Caasho Ibrahim ayaa arrimahaasi ka wareysatay Prof. Xuseen Warsame oo bare ka ah Jaamacadda Calgery ee dalka Canada, ugu horreyna waxa ay weydiisay in xilligan ay tahay in Farmaajo uu ka guuro Villa Somalia.