Sanadkii la soo dhaafay waxaa kordhay weerarada loo geysanayo wariyeyaasha iyo hay'adaha warbaahinta ee guud ahaan Bariga iyo Koofurta Africa, iyadoo ay jireen xanuunka COVID19 iyo xasarado kale.
Sida ay maanta sheegtay Amnesty International waxay arrimahaas sare u qaadayeen baahida loo qabo warar sugan oo gobolka ka yimaada.
Guud ahaan gobolka shaqaalaha warbaahinta waxaa laga joojiyey shaqooyinkoodii, iyadoo xarumihii telefishinada qaarkood la joojiyey howlahoodii qaarna la xirey.
Warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa la bartilmaameedsadey, wariyayaasha qaarna waa la cabsi galiyey, taasoo xadgudub weyn ku ah xorriyada warbaahinta iyo galaangalka wararka.
Warbixinta hay'adda Amnesty International waxaa noo soo koobaya Falastin Ahmed Iman iyo Hussein Bare Adan.
Facebook Forum