Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo shir isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada


Maxamed Xuseen Rooble
Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir wadatashi iskugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir 20-ka bishan May.

Afhayeenka dawladda Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu mudnaan siinayo dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii September ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii shalay Aqalka Hoose ay baarlamaanku ay ka laabteen muddo kordhinta ayna dib isii celiyeen Heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu maamulka doorashooyinka dalka iyo amnigooda ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

XS
SM
MD
LG