Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Musharaxiinta oo Rooble u jeediyey qodobo la xiriira ciidamada


Rooble
Rooble

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa sheegay inay soo dhoweynaynaan go'aanka dib uga noqoshada muddo kororsiga, loona laabtay heshiiskii 17-ka September.

Qoraal kasoo baxay Golaha ayaa lagu yiri “Goluhu wuxuu u mahacelinayaa shacabka iyo ciidanka difaacay Dastuurka, kana dhiidhiyey in go'aankii sharci-darrada ahaa ee muddo-kororsiga uu dhaqan galo.”

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale soo dhoweeyey in Rai'isal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka, hase yeeshee waxay dalbadeen isbeddelo dhowr ah.

“Maadaama ay ciidammadii qaranka ku kala qeybsameen diidmada iyo difaaca muddo kororsiga sharci-darrida ah, Goluhu wuxuu soo jeedinayaa si dib loogu mideeyo ciidanka in xukuumaddu magacawdo hoggaan mideyn kara ciidanka, abuuri karana kalsooni dhexdooda ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha.

“Golaha wuxuu ka digayaa in ciidanka diiday muddo kordhinta laga aarguto, xuquuqooda la duudsiiyo ama uu maamulka amniga faraha la soo galo, si muuqata ama si dadban, Madaxweynihii hore iyo xulafadiisa.”

Golaha ayaa ugu baaqay Raii'sal Wasaare Rooble in uu qaado tallaabooyin muujinaya in uu amniga dalka u madax-bannaan yahay, si uu u kasbado kalsoonida ciidanka, siyaasiyiinta, shacabka iyo beesha caalamkaba, sida lagu sheegay qoraalka.

Golaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu si buuxda ugala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow, wuxuuna ugu baaqay Rooble inuu dhex-dhexaad ka noqdo arrimaha doorashada.

XS
SM
MD
LG