Qoraal kooban oo ay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ku daabacday bogga ay Twitter ku leedahay ayay ku bogaadisay tallaabada ay qaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka.
“Waxaan sidoo kale soo dhawaynaynaa,” in Ra’’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qaato “‘Doorkiisa hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto,” ayay qoraalka kooban ku tiri safaaradda Mareykanka.
Hadalkan ka soo yeeray dowladda Mareykanka ayaa yimid saacado uun ka dib markii aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen in la buriyo qaraarkii muddo kororsiga ee ay meelmariyeen 12-kii April, islamarkaana ay oggolaadeen in haatan dib loogu laabto heshiiskii ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu kala saxiixdeen 17-kii September 2020-kii.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo codeynta ka hor khudbad u jeediyay Golaha Shacabka ayaa golaha dib ugu celiyay qaraarkii muddo kororsiga ee 12-kii bishii tagtay April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, islamarkaana ka codsaday inay taageraan dib ugu noqoshada wadahadallada heshiiskii 17-kii September ee hannaanka doorashada dadban.
140 mudane ayaa u codeeyay ansixinta dalabka dib ugu laabashada heshiiskii doorasho ee 17-kii September.
Haddaba, warbixin ka hadleysa sidii uu u dhacay fadhiga baarlamaanka ee maanta waxaa warbixintan nooga soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.