Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Aqalka Hoose oo ka Laabtay Qaraarkii Muddo Kororsiga


Baarlamaanka
Baarlamaanka

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod ay goordhow qaaden waxa ay ku ansixiyeen dalab uga yimid Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa in lagu laabto heshiiskii 17 kii September. Talaabadan ayaa meesha ka saareysa muddo kororsigii laba sano ee ay aqalka hoose ku kordhiyeen muddada xilheynta hay'adaha dowladda.

Kulankii maanta oo ay fadhiyeen 140 xildhibaan, ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxmaed Mursal Sh. Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in 140 mudane ay si buuxda u meelmariyeen dalabka ku laabashada heshiiskii 17-kii September, halka aysan jirin cid diiday ama ka aamustay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo codeynta ka hor khudbad u jeediyay Golaha Shacabka ayaa golaha dib ugu celiyay qaraarkii muddo kororsiga ee 12-kii bishii tagtay April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, islamarkaana ka codsaday inay taageraan dib ugu noqoshada wadahadallada heshiiskii 17-kii September ee hannaanka doorashada dadban.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in hanaanka doorashada iyo amniga dalka uu hogaamin doono Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Haddaba, Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka telfoonka kula xiriiray wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle oo ku sugnaa xarunta Golaha Shacabka.

Kulanka baarlamaanka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:06 0:00


Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa 12 kii April waxa ay ansixiyeen qaraar ay muddo kordhin laba sano ah ugu sameeyeen hay’adaha dowladda federaalka oo muddo xileedkoodu dhamaaday. Madaxweyne Farmaajo ayaa qaraarkaasi saxiixay 13 kii April.

Hase ahaatee waxaa qaraarka muddo kordhinta ka soo horjeestay aqalka sare ee baarlamaanka iyo maamul goboleedyada dalka.

XS
SM
MD
LG