Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fadhigii Gaarka ahaa ee Golaha Shacabka oo goor dhow furmaya


Baarlamanka
Baarlamanka

Waxaa goor dhow la filayaa in xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho uu ka furmo kulan gaar ah oo u dhowaan iclaamiyay guddoonka Golaha, waxaana kulankan codsaday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo la filayo in uu khudbad ka jeediyo.

Wariyaha VOA Cabdulqadir Cabdulle oo ku sugan xarunta Golaha Shacabka ayaa soo sheegaya in xildhibaanadu ku soo qul-qulayaan goobta shirka, isla markaana ay dhowrayaan khudbadda Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu dib ugu celiyo Golaha Shacabka qaraarkii 12-kii April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, isla markaana uu ka codsado inay taageraan dib ugu noqoshada wadahadallada heshiiskii 17-kii September ee hannaanka doorashada dadban.

Muddo kordhintan ayaa dhalisay muran siyaasadeed iyo cabsi dagaal, waxaana ka horyimid maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharraxiinta, Xisbiyada Mucaaradka iyo Guddoonka Aqalka Sare, iyagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaana markii dambe diidmada muddo korosiga ku soo biiray madaxda maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna taageeray mowqifkii Galmudug iyo Hirshabeelle, isagoo ku baaqay nabad iyo xasillooni.

Beesha Caalamka ayaa dhinaceeda cadaadis ku saarta Madaxweyne Farmaajo iyo guddoonka Golaha Shacabka inay ka noqdaan muddo kororsiga, iyadoo dowladaha Mareykanka iyo Ingiriisku ay ku hanjabeen inay ka fiirsan donaan xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya, isla markaana ay cuna-qabateyn iyo xayiraad socdaal saari doonaan shakhsiyaadka 'wiiqaya nabadda iyo xasillonida' Soomaaliya.

Muddo kordhintan ayaa ka dhalatay is-mariwaa siyaasadeed oo sababay fashil ku yimid wadahadalladii xal u helista doorashooyika ee teendhada Afisyooni ee u dhexeeyay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleeyda.

Wixii ku soo kordha shirkan halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG