MUQDISHO —
Magaalada Muqdisho waxaa xalay kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan Midowga Musharrixiinta oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa kale oo kulanka ka qaybgalay madaxda maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle, musharaxiin madaxweyne iyo xildhibaano.
Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Muqdisho kusoo laabtay guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlay iska hor-imaadyadii magaalada ka dhacay Axaddii
Haddaba wararkii ugu dambeeyey ee dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Muqdisho waxaa warbixintan inooga soo dirtay Seynab Abuukar.
Facebook Forum