Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka soo baxay shirkii Rooble, mucaaradka iyo maamul goboleedyada?


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay la kulmay madaxda Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmududug iyo xubno ka tirsan midowga musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'isul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Kulankan oo qaatay muddo saacado ah ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta la hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yusuf Al-Cadaala, wuxuuna sheegay in shirkan looga wadahadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa xasilloonimada magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jirtay amni darro.

"Waxaa sidoo kale shirkan laga wadahadlay sidii looga wadashaqeyn lahaa in dalka ay si degdeg ah uga dhacdo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September, isla markaana dhinacyada oo dhan ay xoogooda ugu mideyn lahaayeen in la ilaaliyo nabadgalyada" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxman Yusuf Al-cadaala.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa xubnihii ka qeybgalay shirkii xalay ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray;

"Kulankii xalay dhexmaray Ra'isul Wasaare Rooble, Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo xubnaha Midowga Musharraxiinta ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka. Wadahadalku wuxuu ku dhammaaday heshiis ah in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga iyo in la qabto dorasho loo dhanyahay oo nabad ah"

Ra'isul Wasaare Rooble ayaa Talaadadii taageray go'aankii Maamul Goboleeyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo ay uga soo horjeesteen muddo kordhinta hay'adaha dowladda Federaal, wuxuuna ku baaqay nabad iyo xasillooni kaddib qalelaasihii Muqdisho ka dhacay maalmihii ka soo dhaafay.

XS
SM
MD
LG