Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qarax lala beegsaday xerada ciidanka Asluubta


Muuqaalka Qarax hore

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay xerada ciidanka Asluubta ee Ex-koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana jugtiisa laga maqlay xaafadaha magaalada.

Khasaaraha rasmiga ah ee qaraxan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa illa hadda aan si buurxada lo ogaan karin, waxaana ilo ku dhow goobta qaraxu ka dhacay ay VOA u xaqiijiyeen in laba qof oo rayid ay ku dhinteen.

Ma jirto faah-faahin dheeri oo laga heli karo dhinaca ciidanka Asluubta, iyadoo la xiray qaar ka mid ah waddooyinka ka agdhow xerada Ciidanka, oo markii horeba aheyd meel aad loo ilaaliyo.

Wixii warar ah ee ku soo kordha halkan ayaa kala socon doontaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG