Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoonka Golaha Shacabka oo iclaamiyay fadhi 'aan caadi aheyn'


Maxamed Mursal Cabdiraxmaan
Maxamed Mursal Cabdiraxmaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa iclaamiyay fadhi gaar ah oo ay iskugu imaanayaan xildhibaanada Soomaaliya, kaas oo uu codsaday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Farriin guddoonka Golaha Shacabku u diray dhammaan xldhibaanada ayaa looga codsaday inay ka soo qeyb galaan kulan 'aan cadi ahey' oo madaxweyne Farmaajo kula hadlayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.

"Xildhibaannada dalka dibaddiisa ku sugan iyo kuwa jira gobollada dalka waxaa la farayaa inay si degdeg ah u soo galaan caasimadda Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhigan aan caadiga aheyn maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay 1-da bisha May 2021, maadaama ay jiraan xaalado adag oo u baahan in dalka laga samatabixiyo" ayaa lagu yiri faafin rasmi aheyd oo ku socotay xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadan inuu ka codsado Golaha Shacabka inay ka noqdaan go'aankii muddo kordhinta ahaa ee 12-kii April ee uu isna saxiixay, kaddib markii cadaadis iyo cambaareyn ay kala kulmeen gudaha iyo dibaddaba.

XS
SM
MD
LG