Isku xirrada

War Deg-Deg ah

C/raxmaan C/shakuur oo soo dhaweeyay go'aankii Galmudug iyo Hirshabeelle


Hoggamiyaha mucaaradka ah C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo dhaweeyay go'aankii dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle uga soo horyimaadeed muddo kordhinta hey'adaha dowladda Federalka, isagoo ku tilmaamay mid geesinimo leh.

"Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyneyaasha maamul gobolyeedyada Galmudug iyo Hirshabelle oo go'aan geesinimo leh qaatay, kuwaas oo ka horyimid muddo kororsigii. Waxaan isna u mahadcelinayaa Ra'isul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo go'aankaas taageeray, kuna raacay in loo noqdo fulinta heshiiskii 17-kii September" ayuu yiri hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur.

Waxa uu sheegay in Ra'isul Wasaare Rooble uu kaalin weyn kulahaa inay hoos u dhacdo dhiillada colaadeed ee maalmahaan ka jirta magaalada Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ka mid ah xubnaha mucaaradka ee sida weyn uga horyimid go'aankii Golaha Shacabka ee 12-kii April ee muddo kordhinta hay'adaha dowladda, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Dhinaca kale wuxuu ciimada ugu baaqay inay ku laabtaa xeryahooda iyo furimihii ay ka soo baxeen.

XS
SM
MD
LG