Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo: Baarlamanka ayaan kula laabanayaa arrinta doorashada


Farmaajo
Farmaajo

Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu goor dhaweyd kula hadlay shacabka ku sheegay, inuu Sabtida soo socoto hortagi doono Golaha Shacabka, si dalka dib loogu soo celiyo hannaanki doorasho ee 17-ki September.

“Waxaan maalinta Sabtida ah hortatagi doonaa, Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay heshiiska ku wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada." ayuu yiri.

Farmajo ayaa ugu baaqay dhammaan saxiixayaashii heshiiski 17-ki September in ay si dag dag ah isugu yimaadaan wadahadallo aanan shuruud ku xirneyn si loo dhameystiro nidaamka doorashada.

Madaxweynaha uu xilka ka dhamaaday ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda in ay ka baaqsadaan ficil walba oo keeni kara colaad iyo xasillooni darri.

Ciidamada amniga ayuu ugu baaqay in ay sugaan amniga magaalada Muqdisho iyo bad-qabka dadka rayidka ah.

Hoos ka dhageyso khudbadda Farmaajo

Khudbadda Farmaajo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:41 0:00

XS
SM
MD
LG