Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barakac ka billowday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho


Barakac
Barakac

Magaalada Muqdisho xaafadaha qaar waxaa ka billowday barakac, kaddib markii ay soo badatay cabsida laga qabo in mar kale isku dhacyo ka dillaacaan magaalada Muqdisho maadaama ciidamada labada dhinaca dhaq-dhaqaaqooda la dareemayo.

Muuqallo iyo sawirro laga soo qaaday jidadka magaalada Muqdisho ayaa muujinaya boqolaal dad ah oo u qaxaya bannaanka magaalada, iyadoo dadka qaarkood ay sheegeen inay aad uga xunyihiin inay ka barakacaan guryahooda.

Wariyaha VOA ee magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Cabdulle ayaa soo sheegaya in dad u badan carruur iyo dumar danyar ah lagu arkayay iyagoo ka qaxaya degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag.

Ma jiro isku dhac ka dambeeyay midkii Axaddii, hase yeeshee dadka rayidka ah ayaa dareemaya culeys weyn oo ku qasbaya inay guryahooda ka baxaan.

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaacay xabad-joojin iyo wadahadal dhexmara mucaaradka iyo dowladda, haseyeeshee ilaa iyo hada ma billaaban wadahadalladan.

XS
SM
MD
LG