Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo ku baaqay shir deg deg ah iyo xabad joojin


Maxamed Xuseen Rooble
Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay xabbad joojin ka dhacda magaalada Muqdsho, waxaana uu ku baaqay shir degdeg ah oo la iskugu yimaado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan jeediyey kadib markii uu la kulmay xubnaha bulshada rayidka, waxaana uu sheegay inuu ka xunyahay dhibkii ka dhacay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee u dambaysay.

Waxa uu sheegay inuu ku baaqayo shir degdeg ah oo ay kasoo qaybgalaan waxgaradka Muqdisho iyo siyaasiyiinta, kaasi oo uu sheegay in xaaladda lagu dejinayo looga arrinsanayo amniga.

Waxa uu sheegya inuu ciicdanka farayo sugidda amniga muwaadiiinta, difaacda dalka, iyo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aysan siyaasadda ku milmin.

Baaqa Rooble ayaa imanaya ayada oo weli magaalada ka taagan tahay xiisad colaadeed, kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne.

XS
SM
MD
LG