Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo ka hadlay rabshadihii ka dhacay Muqdisho


Maxamed Xuseen Rooble

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo soo duubay muuqaal uu uga hadlay rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdooyinkaas.

Rooble ayaa sheegay in wixii dhacay ay ahaayeen falal lagu Khalkhal gelinayey ammaanka caasimadda, inkasta oo uusan cid gaar ah ku eedeyn, wuxuuna dadka iyo dhinacyada ku lugta lahaa rabshadahaasi ugu baaqay in nabadda la dhawro, isla markaana loo turo shacabka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta, kana ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga.

Rooble ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wadahadal keliya lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo tilmaamay in dadaalada wadahadalada uu isagu horay u bilaabay ay xukuumaddu sii xoojin doonto, islamarkaana uu ku raja-weyn yahay in dhammaan tabashooyinka jira guul iyo isfaham laga gaari karo.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay waxgaradka, culimada, bulshada rayidka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyaradu inay kaalintooda ka qaataan adkaynta nabagelyada iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG