Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iska hor-imaadyo kooban oo ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Rasaas goos-goos ah ayaa laga maqlayey gelinkii dambe ee Axadda bar ciidan oo u dhow xaruntii hore ee ciidanka badda ee Mariino.

Rasaasta ayay is weydaarsadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo bartaasi ku sugnaa iyo ciidamo kale oo kasoo horjeeda. Goor hore oo maanta ahna waxaa rasaas muddo kooban socotay laga maqlay bar ciidan oo u dhow isgoyska Sanca. Ilaa haatanna lama soo sheegin khasaare ka dhashay rasaastan oo muddo kooban kadib qabowday.

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in lasoo weeraray.

“Waxaa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas'uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo,” ayuu yiri Xasan oo qoraal soo dhigay twitter.

Rasaasta ayaa dhacday iyadoo meelo ka mid ah magaalada ay ka jirtay xaalad kacsanaan ah, bannaanbaxyana ay dhaceen.

Gobjoogayaal ayaa u sheegay idaacadda VOA inay dad iskugu soo baxeen isgoyska Fagax ilaa degaanka Siisi inta u dhaxaysa, dadkaasi oo qaarkood ay gubayeen taayarro, kuwo kalena ay ku dhowaaqayeen hadallo liddi ku ah muddo kororsiga dhowaan uu sameeyey Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Waxaa kale oo goobjoogayaasha ay ku arkeen agagaarka Fagax ciidamo wata baabuurta milatariga oo la socday dadka bannaanbaxaya.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin xiisadda cusub ee magaalada.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo is mari waa siyaasadeed uu weli u dhexeeyo dawladda federaalka iyo madaxda mucaaradka, kaasi oo ku saabsan sida ay doorasho uga dhici karto Soomaaliya.

Mucaaradka iyo maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa kasoo horjeestay muddo kororsiga, has yeeshee dawladda federaalkuna waxay difaacday go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG