Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya


Safiira Ethiopia
Safiira Ethiopia

Dowladda Ethiopia ayaa safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaasi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay, islamarkaana warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar.

Safiirka cusub ayaa beddelay Jamaluddin Mustafa oo muddo ahaa safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda, wasiirka ayaa safiirka ugu baaqay inay mideeyaan dadaallada labada dal, si ay uga faa’iideystaan furasadaha iskaashi.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu qiimeynayo wada-tashiyada ay wadaagaan labada dal ee ku aada arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka ee ay wada daneeyaan.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku daray in safiir Cabdulfataax “uu xaqiijiyey taageerada dalkiisa u hayo” shacabka iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya, uuna “ku faraxsan yahay” inuu ka shaqeeyo Soomaaliya, si uu u horumariyo xiriirka labada dal.

XS
SM
MD
LG