Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Muqdisho oo kacsan iyo dibadbax ka dhacay


Muqdisho
Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay meelo ka mid ah magaalada ka jirto xaalad kacsanaan ah.

Gobjoogayaal ayaa u sheegay idaacadda VOA inay dad iskugu soo baxeen isgoyska Fagax ilaa degaanka Siisi inta u dhaxaysa, dadkaasi oo qaarkood ay gubayeen taayarro, kuwo kalena ay ku dhowaaqayeen hadallo liddi ku ah muddo kororsiga dhowaan uu sameeyey Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Waxaa kale oo goobjoogayaasha ay ku arkeen agagaarka Fagax ciidamo wata baabuurta milatariga oo la socday dadka bannaanbaxaya.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin xiisadda cusub ee magaalada.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo is mari waa siyaasadeed uu weli u dhexeeyo dawladda federaalka iyo madaxda mucaaradka, kaasi oo ku saabsan sida ay doorasho uga dhici karto Soomaaliya.

Mucaaradka iyo maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa kasoo horjeestay muddo kororsiga, has yeeshee dawladda federaalkuna waxay difaacday go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Caasha Ibrahim Aden ayaa wararkii ugu dambeeyey ka wareysatay weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Xaaladda Muqdisho oo kacsan iyo dibadbax ka dhacay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:27 0:00


Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhinacyada inay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin iyo in la qabto wadaxaajood ku salaysan heshiiskii 17-kii Sebtember 2020-ka.

XS
SM
MD
LG